Dowladda Federalka Ee Somaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay xeraddii General Gordan ee ay Dowladda Imaaraadku qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya ku tababari jirtay.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay la wareegtay maamulka iyo mushaaraadka ciidamaddii uu imaaraadka gacanta ku hayay ee xeradaasi ku sugnaa.
La wareegista xeradan ayaa ku soo beegmeysa xilli khilaafka u dhaxeeya dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka uu meel xun marayo, dhawaanna imaaraadku uu sheegay inuu joojiyay barnaamijkii tababarka ciidamada ee ay Soomaaliya ka wadeen.
Sidoo kale waxa ay ku soo beegmeysaa iyaddoo dowladda Qadar oo ay Imaaraadka is-hayaan ay safiir cusub u soo magawday Soomaaliya, kaasoo maanta warqadihiisa aqoonsiga uu ka gudoomay Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Warbixin ku saaban kalkan ka dhageyso:
Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, isagoo oo sheegay inuu kala soo hadlayo, tababarkii Imaaraadku uu ka waday Puntland.
Hadalka Gaas halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso: