Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cecafa: Xulka Soomaaliya oo Semi-final u Gudbay


Somalia U-17 Football Team
Somalia U-17 Football Team

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17 ayaa 1-0 kaga badiyey xulka dalka Kenya ciyaar ka dhacday dalka Burundi oo ka tirsaneyd koobka bariga iyo bartamaha Afrika.

Sidaasina waxa ay Soomaaliya ugu soo baxday wareegga kan xiga ee afar dhammaadka ama Semifinal. Waa markii ugu horraysay tobannaan sano ee xul Soomaaliyeed uu soo gaaro heerkaasi. Nuur Bukhaari ayaa faahfaahinta ka waraystay madaxa xiriirka kubadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab.

Dhageyso Xulka K.Cagta Somalia oo Semifanlka u gudbay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:51 0:00

XS
SM
MD
LG