Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Arsene Wenger oo ka tagaya Arsenal


Macallinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa xaqiijiyey inuu shaqada ka tagi doono dhammaadka xilli cayaareedkan.

Qoraal lasoo dhigay webka Arsenal ayuu Wenger ku yiri “Kadib markii aan si qoto dheer uga fakaray, islamarkaana kala hadlay kooxda, waxaan dareemayaa inay tahay waqtigii saxda inaan shaqada ka tago kadib dhammaadka xilli cayaareedka”

“Waxaa ku faraxsanahay sharafta aan u yeeshay inaan kooxdan leyliyo sanado adan”

“Waxaan kooxda ugu shaqeeyey si buuxda oo sharaf leh” ayuu yiri Wenger.

“Waxaan u mahadnaqayaa shaqaalaha kooxda, cayaartoyda, agaasimayaasha, iyo taageerayaasha ka dhigay kooxdan koox gaaar ah. Jaceylkeyga iyo taageeradeeda waa idinla jiri doonaan weligood”

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG