Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xulka Soomaaliya oo U Dhaw Inuu Taariikh Sameeyo


Somali National Football Team
Somali National Football Team

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'diisu ka yartahay 17-ka sano ayaa rajo weyn ka qaba in marki ugu horreysay uu gaaro semi-finalka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Africa, kadib marki ay shalay ciyaar ay la dheeleen xulka tartankani martigelinayo ee Burundi ay ku dhamaatay barbarro 0-0 ah.

Xulka Soomaaliya horay wuxuu ula soo ciyaaray Axadi xulka Ethiopia. Inkasta oo Itoobiyaanku ku badiyeen 3-1, hadana guusha ciyaartaasi waxaa la siiyay Soomaaliya.

Guddiga Anshaha ee tartankani ayaa Ethiopia ka xayuubiyay saddexdi dhibdood ee kulanki Axadi, kadib marki lagu helay in ay ciyaarsiiyeen saddex laacib oo ay da,doodu ka weyntahay 17 sano.

Soomaaliya ayaa sidaasi lagu siiyay in ay ku badisay 3-0. Hadda dhalinyarada xulka qaranka Soomaaliya waxay leeyihiin afar dhibcood. Iyadoo uu u harsanyahay kulan ay la dheeli doonaan dalka Kenya.

Xulka Qaranka ayaa gaari kara semi-finalka tartankan marki ugu horreysay taariikhda, hadii ay barbarro galaan ama ka badiyaan Kenya, sidoo kale waxay kusoo baxaan, haddii ciyaarta dhex mari doonta Burundi iyo Ethiopia barbardhac ama natiijo ay goolasheedu yaryihiin.

XS
SM
MD
LG