Dhawaan waxaa xilka gudoomiyaha golaha aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya iska casilay gudoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaare. Haddaba, xagee ayuu halkan uga dhaqaaqi doonaa Baarlamaanka Soomaaliya?
Maxay ahayd caqabadihii jiray oo hadda u baahan in loo helo xal mar haddii uu meesha ka baxay gudoomiye Jawaare? Su'aalahaas iyo kuwo kale ayaa weriyahayaga, Cabdulqaadir Maxamed Cbdulle, uu hor dhignay Cabdirashiid Khaliif Xaashi, madaxa Xarunta Daraasaadka ee Heritage.