Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inuu ka codsaday dawladda Imaaraadka Carabta in la sii wado kaalmadii ay siin jirtay ciidamada badda ee ay taageeri jirtay.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Imaaraadka uu kala dhexeeyo iskaashi dhinaca amniga ah oo ku saabsan dhinacyada argagixisada, burcad badeedda iyo tahriibka. Warbixintan waxaa Boosaaso nooga soo dirtay Faadumo Yaasiin Jaamac.