Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Koobka adduunka 2022 oo la rabo in laga dhigo 48 koox


Gianni Infantino
Gianni Infantino

Madaxweyaha xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA Gianni Infantino ayaa sheegaya inuu doonayo in koobka aduunka ee 2022 lagu qabanayo Qatar la ballaariyo oo laga dhigo 48 koox.

Qorshahan ayaa macnahiisu noqon karaa in qaar ka mid ah kulamada lagu cayaaro dalalka kale ee gacanka.

FIFA ayaa bishii Janaayo u codeysay in 48 koox laga dhigo koobka adduunka ee 2026, hase yeeshee xiriirka kubada cagta Latin America ee Conmebol ayaa codsaday in qorshahaas lasoo hormariyo.

Wararka ayaa sheegaya in FIFA ay wada-hadallo aan rasmi ahayn la gashay saraakiisha Qatar oo ka walaacsan inaysan awood u lahayn marti-gelinta 16 koox oo dheeri ah.

“Arrintan waxay u muuqataa fikrad xiiso leh, waa inaan eegnnaa, haddii ay macquul tahayna waan ku dhaqaaqeynaa” ayuu yiri Infantino.

XS
SM
MD
LG