Goolhayaha kooxda Juventus Gianluigi Buffon ayaa weerar culus ku qaaday garsooraha Ingiriiska ee Michael Oliver oo dhex dhexaadinayey cayaartii xalay ee kooxaha Real Madrid iyo Juventus ee koobka horyaalada Yurub.
Buffon ayaa sheegay in bac qashin ah ay dhex taallo wadnaha Oliver, oo rigoore ka dhigay Juventus daqiiqaddii ugu dambeysay ee cayaartii xalay.
“Xaqiiqdii waxay ahayd dhacdo aan jirin, iyo qalad aan caddeyn” ayuu Buffon u sheegay taleefishin Talyaani ah.
Goolhayaha Juventus ayaa sheegay in Oliver uu ku cayaaray riyadii kooxda Juventus.
Juve oo 3-0 looga soo adkaaday garoonkeeda ayaa cayaartii xalay ee garoonka Real Madrid ku hogaamineysay 3-0, hase yeeshee rigoorada laga dhigay oo uu dhaliyey Ronaldo ayaa ka dhigtay cayaarta 3-1, taasi oo ay ku hareen.