Aqalka Wakiilada ee dowlada Mareykanka ayaa shalay ansixiyay qaraar ugu baaqaya dowlada Itoobiya in ay kordhiso ixtiraamka xuquuqda aadanaha, nidaamka sharciga ah iyo dumoqraadiyadda.
Qaraarkan ayaa loo arkaa mid farriin xoog leh oo dhinaca wax kabaddalida xuquuqda aadanaha loogu dirayo ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed.
Faah-faahinta warkan iyo waliba Mareykanka oo dalka Chad ka saaray liiska dalalka muwaadiniintooda uu madaxweyne Trump ka mamnuucay in ay soo galaan Mareykanka, ayaa Nur Bukhaari uu ka wareystay Faysal Rooble oo ka faallooda arrimaha Afrika, kuna nool gobolka California.
Facebook Forum