Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cayaaraha koobka horyaalada Yurub oo caawa dhacaya


The UEFA Champions League trophy is pictured
The UEFA Champions League trophy is pictured

Kulamo ka tirsan lugta labaad ee sideed dhammaadka koobka horyaalada Yurub ayaa caawa dhici doona.

Kooxda Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad kula kulmi doonta kooxda Liverpool. Lugtii hore ee cayaaratan oo ka dhacday garoonka Anfield ee Liverpool, waxaa 3-0 ku adkaaday Liverpool.

City waa inay ku badisaa ugu yaraan 3-0, si ay cayaarto waqti dheeri ah ugu darto, ama 4-0 ku badisaa, si ay usoo gudubtaa.

Dhinaca kale kooxda Roma ayaa magaalada Rome ku marti gelin doonta Lionel Messi iyo kooxdiisa Barcelona.

Lugtii hore ee cayaartan oo ka dhacday garoonka Barcelona ee Camp Nou, waxaa 4-1 ku adkaaday kooxda Barca, oo ka faa’iideysatay laba gool oo Roma ay iska dhalisay.

Roma ayaa u baahan inay ku adkaato 3-0 si ay usoo gudubto.

XS
SM
MD
LG