Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diblumaasiyad Ahaan Waxay Ka Dhigan tahay Lacagtii Muqdisho Lagu Qabtay


Diyaaradda Lacagta Sidday oo joogta Garoonka Muqdisho
Diyaaradda Lacagta Sidday oo joogta Garoonka Muqdisho

Hay'adaha amniga ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay boorsooyin la sheegay inay ku jirtay lacag gaareysa 9 malyan iyo 600 oo kun oo doollar. War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda amiga gudaha ayaa lagu lagu xaqiijiyay jirtaanka lacagtaas.

War-saxaafadeedka, ayaa sidoo kale lagu sheegey in baaritaan ay ku hayaan, halkii ay ka timid, ciddii ay ku socotay, iyo ujeeddada laga lahaa in lacagtaasi waddanka loo soo geliyo.

Haddaba, diblomaasiyadda caalamka maxay ka qabtaa tallaabada ay dowladda Soomaaliya qaadday? Su’aalahaas iyo kuwo kale ayaa Sahra Ciidle Nuur waxay hordhigtay, danjire Cabdisalaam Axmed Liibaan (Dhabancad), oo hore usoo noqday xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo hab maamuuskii madaxweynayaasha dalka soo maray qaarkood.

Siyasad ahaan waxay ka dhigan tahay Lacagtii Imaaradka ee la qabtay
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:24 0:00

XS
SM
MD
LG