Ugu yaraan 7 qof ayaa lagu dilay in ku dhow 10 kalana wey ku dhaawacmeen ka dib markii dagaal laba malayshiyo beeleed uu maanta ku dhexmaray degaan hoostaga degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan, sida ay idaacadda VOA u sheegeen dadka degaanka
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa badankooda ahaa dhinacyadii dagaallamayay iyadoo xiisadana ay ka bilaabantay dil aano qabiil oo saaka degaanka ka dhacay.
Dagaallada degaanka ayaa la sheegay inay dib usoo laba-kacleeyaan xilliyada abaaraha iyo marka uu roob ka curto qeyb deegaanka ka mid ah oo dadka reer miyaga xoolahooda ula guuraan.
Odayaasha dhaqanka iyo maamulka gobal Hiiraan ayaa ku baaqay xabbad joojin iyo in laga wada hadlo wax yaabaha xiisaddan abuuray.