Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya: Lacagtii Aan Qabanay Baaris Ayaan ku Heynaa


Dollar
Dollar

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga hadashay Boorsooyin lacag laga soo buuxiyay oo shalay hey’adaheeda amniga ay ku qabteen garoonka Muqdisho.

Warsaxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in lacagtaasi la qabtay oo dhan 9.6 milyan (Sagaal milyan iyo lix boqol oo Kun oo Doollarka Mareykanka ah). Lagu keenay diyaarad nooceedu yahay Boeing 737.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in lacagtaasi ay ku jirtay sadex boorso oo aan laheyn calaamado lagu garto, sidaa daraadeedna la marsiiyay qeybta baarista, markii shaqaalaha garoonka ay ka shakiyeen, xiriirna ay la sameeyeen qeybta la dagaallanka argagixisada ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Warsaxaafadeedka Wasaarada Amniga ayaa lagu sheegay in lacagtaasi ay haatan gacanta dowladda dowladda ku jirto si baaritaan dhameystiran loogu sameeyo.

Sida warsaxaafadeedka lagu yiri, Dowladdu waxey ku holwantahay baarista halka ay lacagtu ka timid, meesha ay u socotay, dadkii ku lug lahaa iyo dantii laga lahaa in lacag intan la’eg lasoo geliyo dalka.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu yiri “Wasaraadda Amniga Gudaha waxa ay caddeynaysaa in aysan jirin wax xadgudub ah oo ka dhacay garoonka intii lagu guda jiray baaritaanka iyo lasoo wareegidda boorsooyinka.”

Waxaa kaloo dowladdu ay ku tiri war saxaafadeedka “Waxaa jira waddamo aan xiriir la leenahay oo taakuleeya Dowladda Federaalka iyo laamaheeda kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale waxaa Dowladda loo soo marsiiyaa habraac waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira isu-gudbinta lacagaha.”

XS
SM
MD
LG