Isku xirrada

War Deg-Deg ah

PSG oo seegtay fursad ay ku qaadi laheyd horyaalka France


Ciyaartooyda PSG
Ciyaartooyda PSG

Kooxda Paris Saint-Garmain ayaa seegtay fursad ay shalay ugu dabaaldagi laheyd hanshada horaalka France kadib marki ay bar bar dhac 1-1 ah la dhaafi weyday kooxda Saint Ethiine.

Gool uu daqiiqadii 17 ee ciyaarta ka dhaliyay Remy Cabella ayaa PSG walwal ku abuuray ilaa dhamaadkii ciyaarta, markaas oo uu goolka bareejada kooxdiisa S.Etiyen ka dhaliyay Mathieu Debuchy.

PSG ayaa inta badan ciyaarta ku dheeleysay 10 laacib kadib markii kaarka cas laga siiyay ciyaaryahan Kimpembe.

PSg hadda waxay 17 dhibcood ka sarreeysaa kooxda kusoo xigta ee Monaco oo maanta la ciaareysa Nantes

Hadii ay Monaco badiso iyo hadii kale kulanka maanta, PSg ayaa ku guuleysan karta horyaalka haddii ay garaacdo kooxda Strasbourg todobaadka soo socda.

XS
SM
MD
LG