Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada DS oo Hor-Istaagay Weeraro La Soo Qorsheeyay


Weerar adeegsaday gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa duhurkii xilliga Muqdisho maanta ka dhacay meel gaadiidka lagu baaro, oo ah waddo gasha garoonka dayuuradaha ee Aaden Cabdulle Cismaan.

Saacad kadib, ayaa la sheegay in qarax kale uu ka dhacay bar kontorool oo ku taalla agagaarka isgooyska Banaadir. Qaraxan ayaa la sheegay inuu dhacay kadib makrii ciidanku ay rasaaseeyeen baabuur ay ka shakiyeen.

Baabuurka ayaa waxaa saarnaa ugu yaraan hal qof kaasi oo isku dayey inuu xoog ku maro kontoroolka. Ciidamada ayaa toogtay ofkaaasi qof, kadibna waxaa qarxay baabuurka. Goobta waxa sidoo kale ku dhintay hal askari oo ka mid ahaa ciidamadii goobta ka ag dhawaa.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidanku ay ka hortageen weerar weyn oo ay maleeshiyadu damacsaneeyeen.

Warkii ugu dambeeyay ee qaraxaasi, ayuu Jamaal Axmed Cismaan, ka wareystay wariyaha VOA ee Muqdisho, Cabdulqaaddir Maxamed Cabdulle.

Weeraro Qaraxyo ah oo Muqdisho ka Dhacay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:30 0:00

XS
SM
MD
LG