Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Thomas Tuchel oo noqonaya macallinka PSG


Thomas Tuchel
Thomas Tuchel

Thomas Tuchel ayaa noqon doona macallinka cusub ee kooxda kubadda cagta PSG, sida uu ku warraamay taleefishinka ESPN.

Tuchel, oo ahaa macallinkii hore ee Borussia Dortmund, ayaa ka mid ahaa dhowr macallin oo kooxda PSG ay isha ku haysay, hase yeeshee waxa uu ugu dambeyn ku guuleystay loolanka.

Antonio Conte, Massimiliano Allegri, Carlo Ancelotti iyo Luis Enrique ayaa ka mid ah tababarayaasha PSG ay isha ku haysay, islamarkaana ay xiriirka la sameysay si ay u beddelaan tababare Uni Emry oo qandaraaskiisa uu ku eg yahay dhammaadka xilli cayareedka.

Agaasimaha PSG Antero Henrique ayaa doonayey in kooxda loo magacaao Paulo Fonseca ama Leonardo Jardim oo ay isku dal yihiin, hase yeeshee amiirka Qatar oo leh kooxda PSG ayaa la sheegay inuu doorbiday Tuchel, oo u dhashay dalk Jarmalka.

Kooxda PSG ayaa la filayaa inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo magacaabista Tuchel marka uu dhammaado xilli cayaareedka.

XS
SM
MD
LG