Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Khasaaro Sababay oo ka Dhacay Muqdisho


Qarax Muqdisho
Qarax Muqdisho

Ugu yarana saddex ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shan kalana ay ku dhaawacmeen, kadib marki qarax loo adeegsaday baabuur uu ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

Goobjoogayala ayaa VOA u sheegay inuu qaraxa ka dhacay meel u dhow bar kontorool oo ku taala xarunta Oto Oto ee u dhaw Taalada Syidka ee magaalada Muqdisho.

Toddobaakdii hore ayuunbay ahayd markii qarax kale uu ka dhacay magaalada Muqdishu gaar ahaan agagaarka Hoteelka Weheliye waxaana ku dhintay 17 qof.

Goor hore oo maanta ahna qarax ayaa ka dhacay baabauur ay booliisku cayrsanayeen agagaarka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdishu.

Ugu yarana hal qof ayaa ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawacmay qaraxaas oo ka dhashay babauur.

Dhageyso wararki ugu danbeeyay ee qaraxi Muqdisho. Waxaa warbixintaan kasoo diray wariyaheena Cabdulqadir Maxamed Cabdulle.

Halkaan guji si aad u dhageysato warbixinta uu noo soo diray Cabdulqadir Maxamed Cabdulle.
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:59 0:00

Halkaan ka daawo sawirrada qaraxi maanta ka dhacay agagaarka Oto Oto ee muqdisho.

Qarax Muqdisho
Qarax Muqdisho

Qarax Muqdisho
Qarax Muqdisho

Qarax Muqdisho
Qarax Muqdisho

Qarax Muqdisho
Qarax Muqdisho

XS
SM
MD
LG