Madaxweynayaasha wadama Midowga Afrika ayaa Arbacadii shalay kaga dhawaaqay shir uga furmay magaalada Kigali ee xarunta dalka Rwanda, wax noqon kara xarunta ganacsiga xorta ah ee ugu ballaaran dunida.
Laakiin, iyadoo waddan kasta oo ka mid ah 54 dal ee ku jira Midowga Afrika ay heysato dhibaato dhaqaale oo u gaar ah, iyo mushkilad siyaasadeed, ayaa haddana waxaa madax shirkan ka qeyb galeysa hor-yaalla caqabado badan oo ay tahay inay iska leexiyaan si ay u rumeeyan ganacsiga xorta ah ee ay doonayaan.
Wariyaha VOA, Daniel Schearf, ayaa warbixintan ka soo diray Nayroobi. Waa kan Xuseen Barre Aaden oo inoo soo jeediya.
Dhanka kale, Soomaaliya, ayaa ka mid ah dalalka saxiixay heshiiskaasi. Haddaba, Maxamed Colaad Xasan ayaa khadka telefoonka ee Kigali ku wareystay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.