Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pogba: Waxaan jeclaan lahaa inaan ka dhinac cayaaro Neymar


Paul Pogba
Paul Pogba

Xidigga kooxda Manchester United Paul Pogba ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu maalin un ka dhinac cayaaro Neymar.

Wareysi uu laba sano ka hor siiyey website-ka horyaalka La Liga ayuu Neymar ku ammaay Pogba, kuna sheegay inuu jeclaan lahaa inuu ka dhinac ciyaaro xidigga reer France.

“Waan xusuustaa wixii uu yiri. Xaqiiqdii aniguna waan jeclahay” ayuu Pogba u sheegay taleefishin laga leeyahay dalka Argentine.

“Xaqiiqdii waa farxad inaad daawato isaga oo dheelaya, farsamadiisa iyo xeeladahiisa ayaa ku dhigaya farxad in la daawado, waan jeclahay inaan daawado, oo aan la cayaaro” ayuu yiri Pogbba.

Neymar oo u cayaara PSG iyo Pogba oo u dheela Manchester United, labadoodana ka mid ah xiddigaha ugu qaalisan dunida ayaanay muuqan fursad ay koox qura ugu wada biiri karaan.

XS
SM
MD
LG