Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Luke Shaw oo ka tagaya Manchester United


Luke Shaw
Luke Shaw

Luke Shaw ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda Manchester United xagaaga, kadib markii cambaareyn dheeri ah uu kala kulmay macallin Jose Mourinho.

Xiddigan ka cayaara garabka bidix ee daafaca ayaa la beddelay nus dhammaadkii cayaartii FA Cup-ka ee kooxdiisa ay kaga adkaatay Brighton sabtidii.

Mourinho ayaa ka dib cayaarta sheegay inuu beddelay Shaw kadib markii isaga iyo Antonio Valencia ay ku guul darreysteen inay dhageystaan amaradiisa xeeladeed.

22 jirkan oo qanadaraaskiisa kooxda United uu ku egyahay illaa sanadda 2019, ayaa la rumeysan yahay inuu aad uga carrooday hadallada Mourinho.

Sidoo kale dadka isaga ku dhow ayaa aad u dhibsaday habka shaacsan ee Mourinho mar kasta u dhalleeceeyo Shaw, waxayna sheegee inuu xagaaga isaga tagi doono kooxda Old Trafford.

XS
SM
MD
LG