Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Muranka Jawaari iyo Xukumadda Kheyre


Murankan siyaasadeed ayaa sii xogeystay 24kii saacadood ee la soo dhaafay, iyadoo beesha caalamka iyo hey’adaha bulshada rayidkuna ay ku baaqayaan in xiisadda la dejiyo si loo badbaadiyo guuliha ilaa iyo hadda laga gaaray dowladnimada, amaanka Somaliya.

Dhinaca kale, Maanta waxaa magalada Muqdisho shir Ja’raaid ku qabtay Xubo Xildhibaana ah oo u badan kuwo ku jira Golaha Wasiirada Xukumadda Ra’isul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo ugu baaqay Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Dowladda Federalka Somaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari, inuu is casillo.

Arintan ayaa imaaneysa iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada iyo Gudoomiye Jawaari ay ku eedeeyeen xukumadda inay iyada ka dambeyso moshinkan Muranka siyaasadeed dhaliyay.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa warbixintan kooban ku eegaya.

Warbixin Muranka Jawaari iyo Kheyre
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:53 0:00

XS
SM
MD
LG