Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xidlhibaanno Jawaari ugu Baaqay inuu is Casilo


Maanta waxaa magalada Muqdisho shir Ja’raaid ku qabtay Xubo Xildhibaana ah oo u badan kuwo ku jira Golaha Wasiirada Xukumadda Ra’isul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo ugu baaqay Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Dowladda Federalka Somaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari, inuu is casillo.

Arintan ayaa imaaneysa iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada iyo Gudoomiye Jawaari ay ku eedeeyeen xukumadda inay iyada ka dambeyso moshinkan Muranka siyaasadeed dhaliyay.

Wariyeheenna Xassan Kaafi Cabdiraxmaan qoyste ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.

Dhinaca kale, Machadka Heritage ee fadhigiisuyahay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray baaq ku wajahan Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo inuu si dhaqsa ah u soo fara geliyo xaaladda Murugsan ee ka dhax jirta hay'adaha Dastuuriga ah.

Mursal Maxamuud Saneey, agaasime ku xigeenka Machadkan u waramay wariyaha VOA ee Muqdisho, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Dhageyso Shirka Jaraa'id
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:10:34 0:00

XS
SM
MD
LG