Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Conte "Caddaalad maaha in na looga adkaaday 3-0"


Bakayoko
Bakayoko

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa sheegay in guuldarradii ay xalay kala kulmeen kooxda Barcelona oo 3-0 kaga reebtay koobka horyaalada Yurub ay ahayd mid aan caddaalad ahayn.

Laba gool oo uu dhaliyey Lionel Messi iyo goolka Ousmane Dembele – oo ahaa kii ugu horreeyey ee uu kooxda Barca u dhaliyo - ayaa naadiga Spanish-ka ka caawiyey inay ku gudbaan isku cel celis ah 4-1.

“Wax shalaay ah kama qabo guuldarradan, hadaad daawato cayaarta waa dareemi kartaa in natiijada kama dambeysta ah ay ahayd mid aa caddaalad ahayn” ayuu yiri Conte.

Macallinka Chelsea ayaa dareemaya in kooxdiisa ay u qalantay in wax ka wanaagsan 3-0 ay ka hesho cayaartaas, isaga oo sheegay inay u cayaareen si ka wanaagsan in looga adkaado 3-0.

Messi ayaa daqiiqaddii saddexaad ee cayaarta un dhaliyey goolka koowaad, taasi oo culeys ku noqotay Chelsea.

XS
SM
MD
LG