Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xildhibaanno Mowshin ka Gudbiyay Jawaari


Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xildhibaannada aqalka hoose ee baarlamaanka ay gudbiyeen mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cisman Jawaari, sida ay sheegayaan warar laga helay ilo lagu kalsoon yahay.

Xildhibaannadan ayaa ku eedeeyey Jawaari inuu ragaadiyey geeddi socodka dib u eegista dasturuka, ku takri-fal awoodeed iyo caburin ra’yiga xildhibaannada, sida lagu sheegay qoraal loo gudbiyey guddoonka baarlamaanka.

Xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamaanka ayaa u baahan saddex-meelood laba, aqalka hoose ee baarlamaanka oo ka kooban 275 xubin.

Falastiin Axmed Iimaan ayaa khadka telefoonka ee Muqdisho ku waraysatay mid ka mid ah xildhibaannada saxiixay mooshinkan Daahir Amiin Jeesow.

Dhageyso Daahir Jeesow oo ka hadlaya Mowshinka laga gudbiyay Jawaari
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:34 0:00

XS
SM
MD
LG