Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in tuulada Wirkooy oo duleedka waqooyi ka xigta magaalada Kismaayo, uu dagaal muddo ku dhexmaray ciidamada Jubbaland oo ay wehlinayaan kuwa Kenya ee AMISOM; iyo maleeshiyo ka tirsan kuwa ururka al-Shabab.
Sahra Cabdi Axmed, ayaa dagaalkan waxay ka wareysatay taliyaha ciidamadda Jubbaland ee deegaannadaas, Xasan Aadan Maxamed.
Dhanka kale, dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kooxda al-Shabaab ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Bakool, sida uu faahfaahintan ku eegayo Mukhtaar Maxamed Catoosh.