Fadhigii golaha wakiillada Somaliland ee maanta waxa ay mudanayaashu su'aalo ku waydiiyeen wasiirro uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibedda Dr Sacad Cali Shire, kuwaas oo badankoodu la xidhiidheen heshiiska dekedda Berbera, sababaha keenay in Itoobiya la siiyo saamiga maalgashi iyo sidoo kale saamaynta heshiiskaas.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeya.