Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Cabashada Dhalin-yaro Soomaali ah oo Xiran


Bishii December ee sanadkii tagay ee 2017-dii, waxaa indhaha caalamka soo jiitay sheeko ku saabsaneyd 92 Somali ah oo Mareykanka laga masaafurinayay oo diyaaraddii wadday ay ku degtay dalka Senegal ka dibna dib loogu soo celiyay Mareykanka.

Diyaaradda ayaa la soo noqotay dadkii saarnaa oo sheegay in si ka baxsan bani'aadannimada loola dhaqmay intii ay safarka ku jireen.

Hadda, dhalinyaro kale oo 50 ka badan oo Soomaali ah oo ku xiran xabsi la yiraahdo Coastal Bend, oo ku yaala meel ku dhow gobolka Texas, ee dalkan Mareykanka, ayaa ka cabanaya dhibaato ku heysata xabsiga iyo iyadoo marba xabsi kale loo wareejinayo.

Mid ka mid ah dhallin-yaradan, Fagaas Saalax, oo VOA xabsigaasi kala soo xiriiray ayaa u warramay wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:43 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG