Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka hadlay heshiiska dekedda Berbera ee shirkadda DP World, Somaliland iyo Itoobiya u dhaxeeyay, kaasi oo ay dawladda Soomaaliya ku tilmaamtay mid sharci darro ah, oo aanan waxba ka jirin.
Biixi, ayaa haddaba, hadalka dowladda Soomaaliya ka soo yeerey ku tilmaamay dagaal ka dhan ah Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in heshiiskaas iyo heshiisyo badan oo kaleba lagu gelayo dekedda Berbera. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.