Mas’uuliyiinta magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen laba carruur ah oo kasoo baxsaday dugsi ay ku hayeen maleeshiyada ururka al-Shabaab.
Dhalin-yaradan ayaa la sheegay inay kasoo tageen degaanka Luuq Dhurwaa oo u dhexeeya Buula-barde iyo Beledweyne, waxaana la sheegay inay ku xaraysanaayeen illaa iyo 100 carruur ah.
Haaruun Macruuf ayaa khadka teelefoonka kula xiriiray guddoomiyaha degmada Buula-barde, Cabdi Daahir Guurre, waxaana uu ugu horrayn weydiiyey sida ay xaaladdu tahay?