WASHINGTON. D.C —
Khasaaro xoog leh ayaa la sheegay inuu ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo maanta lagu weeraray saldhig ay ciidamada dowlada Soomaaliya ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarkan ayaa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Waxaa lalal eegtay ciidamo tababar ka helay dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka.
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka, balse saraakiisha dowlada ayaa qirtay inuu jiro khasaaro xoog leh oo soo gaaray ciidamada.
Jacfar Kuukaay ayaa qaraxan ka wareystay gudoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose, Cabdifitax Xaaji Cabdulle.
Facebook Forum