Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararki Ugu Danbeeyay ee Xaaladda Balcad


Ciidamada Dowalda
Ciidamada Dowalda

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay dib ula wareegeen magaalada oo dhan, kadib marki ay muddo saacada ah heysteen kooxda Al Shabab.

Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa barqadi maanta laba jiho ka weeraray degmada Balcad oo ay muddo kooban heysteen, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joog ah.

Ilo degaanka ku sugan ayaa VOA u xaqiijiyay in qabsashada Balcad uu ka horeeyay qarax iyo dagaal culus oo Ciidamada Amisom ku qabsaday meel u dhaw deegaanka Gololeey oo dhinaca waqooyi kaga beegan Balcad.

Muddadi koobneyd ee ay Al Shabaab heysteen magaalada Balcad ayay wararku sheegayaan in ay galeen xarumaha dowlada, sida Xaruunta Maamulka Degmada iyo Saldhiga Boliska oo ay kasii daayeen maxaabiis ku xirneyd.

Weli waxaa yar faahfaahinta laga helay qasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Xuseen Xasan Dhaqane, ayaa warkan ka soo diray Baladweyne.

Weerar ka dhacay Balcad
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:01:58 0:00

XS
SM
MD
LG