Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Dagaal ku Qabsaday Balcad


Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabab ay saakay qabsadeen degmada Balcad, kadib marki ay ku qaadeen weerar gaadma ah.

Sida uu soo sheegayo wariyaha VOA ee Muqdisho, dagaal ayaa maleeshiyada Shabaab iyo ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM ku dhexmaray deegaanka Gololeey oo aanan ka fogeyn degmada Balcad ka hor inta aysan Al Shabab weerarin Balcad.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabab ay qabsadeen xarunta maamulka degmada Balcad, iyo saldhigga guud ee magaalada, halkaas oo la sheegay in ay ka sii daayeen maxaabiis.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in ay qabsadeen Raadiyo Balcad oo ah idaacad maxalli ah oo ka howlgasha degmada. Wali lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Balcad.

Wixii faah-faahin ah waxaad ku maqli doontaan idaacadaheenna soo socda.

XS
SM
MD
LG