Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho oo Dhimasho Sababay


Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhimatay, saddex kalena wey ku dhaawacantay qarax gaari oo maanta ka dhacay kantoroolka Siinka Dheer ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Gaarigan oo ahaa nooca yar yar ee raaxada ayaa la sheegay inuu qarxay xilli ay ciidamada amaanku baarayeen.

Ururka al-Shabab ayaa isna sheegtay in weerarkaasi ay ka dambeeyeen kuna dileen askar ka tirsan kuwa dowladda.

Waxaana qaraxan uu ku soo beegmayaa iyadoo dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay wax ka qabaneyso ammaanka, kadib qaraxyo Muqdisho ka dhacay toddobaadkii hore, kuwaas oo ay ku dhinteen dhawaan oo dad 40 qof.

Xuseen Barre Aaden ayaa faahfaahinta qaraxan ka wareystay wariyaha VOA ee Muqdisho, Seynab Abukar Maxamed.

Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:15 0:00

XS
SM
MD
LG