Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Libiya Muxyadiin Maxamed Kaalmooy ayaa VOA u sheegay inay diiwaan galinayaan qaybtii labaad ee dhalinyarada Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada dalka Libya, si ay dalkooda dib ugu celiyaan.
Danjiraha ayaa sheegay in ku dhawaad afartan dhalin-yara ah ay sheegeen inay diyaar u yihiin in lagu celiyo Soomaaliya. Xuseen Barre ayaa khadka tilifoonka ku waraystay Danjire Kaalmooy.
Facebook Forum