Meelo badan oo ka mid ah dowlad goboleedka Hir-Shabella, waxa laga soo sheegayaa dhibaatooyin la xiriira cudurka shuban biyoodka, kaas oo loo aaneynayo wabiga Shabeelle ee mara deegaannada maamulkaasi, oo marna biyo yareeya, dadkuna ay isticmaalaan biyahaasi.
Sidoo kale, dadka ayaanan awoodin adeegsiga biyaha ceelasha, sida uu VOA u sheegay isku duwaha wasaaradda caafimaadka ee dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Ibraahim Cabdiqaadir Xaaji Xuseen. Jamaal Axmed Cismaan ayuu khadka telefoonka ugu warramay.