Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isku Aadka Europa League oo La Sameeyay, AC Milan VS Arsenal


Monaco Soccer UEFA Draw
Monaco Soccer UEFA Draw

Waxaa maanta magaalada Nyon ee dalka France lagu sameeyay isku aadka wareega 16-ka ee koobka kubadda cagta Europa League ee Qaarada Yurub.

Kooxaha waaweyn ee la isku aadiyay ayaa waxaa ka mid ah AC Milan oo ka dhisan dalka Talyaaniga iyo Arsenal oo British ah.

Lugta koowaad ee is araga labadan koox ayaa waxaa loo madlay in 8-da bisha March ay ka dhacdo garoonka San Siro ee magaalada Milan, halka lugta labaad ay ka dhici doonto garoonka Arsenal ee ku yaalla London.

Milan iyo Arsenal marki ugu danbeysay waxay ku kulmeen wareega 16-ka ee koobka Champions League xilli ciyaareedki 2011-12. Lugti hore Milan ayaa 4-0 ku badisay, halki is aragi labaad ay Arsenal 3-0 ku adkaatay.
Kooxaha kale ee soo harayna waxay isugu dhaceen sidan:

Lazio-Dynamo Kiev
RB Leipzig-FC Zenit
Atletico Madrid-Lokomotiv Moscow
CSKA Moscow-Lyon
Marseille-Athletic Club
Sporting CP-Viktoria Plzen
Borussia Dortmund-RB Salzburg
Milan-Arsenal

XS
SM
MD
LG