Dalka Itoobiya waxaa ka jiro guux siyaasadeed oo muddo soo jiitamayey, heerar kala duwanna soo marey. Kacdoon dadweyne, kalhore oo xukun degdeg ah lagu soo rogey iyo is-afgarad maxaabiis siyaasaddeed oo mucaarad muddo dheer xirnaa ay ka mid ahaayeen ayaa xabsiga laga sii daayey. Waxaa xigey, iscasilaadi raysul wasaarihi dalkaasi, islamarkaasna ahaa hoggaamiyihi xisbiga talada dalka haya ee EPDRF.
Intaa waxaa barbar socdey wadahadalo dhexmarey dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo jabhada ONLF oo Nayroobi, Kenya ka dhacay, lana isku afgartey in dib la isugu soo noqdo bisha April ee sanadkan.
Haddaba, muxuu yahay qorshaha Soomaalida deegaanka iyo sida ay ula jaanqaadayaan guuxa siyaasadeed ee dalkaasi ka socda? Mise jiraan fikirro muuqda oo ku aaddan sidii lagu maareyn lahaa isbaddal kasta oo yimaada?
Jaamac Buulle Jaamac ayaa warbixintan inoo haya.