Magaalada Muqdishu waxaa maanta gaaray 10 ka mid ah Tahriibayaasha Soomaalida ee ku dhibaateysnaa dalka Libya, oo qeyb ka ahaa muhaajiriin ay dowladda Soomaaliya ku qancisay inay wadankooda ku noqdaan.
Muhaajiriintan ayaa ka deggay garoonka Muqdisho iyagoo tiiraanyooday la ilmeeyay, qaarkood ay gacmaha kor u taageen iyagoo ilaah uga mahadcelinaya xaaladdi ay ka soo baxeen.
Markii ay garoonka soo gaareen ayey warbaahinta la hadleen qaarkood. Wariyeheenna Xassan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.