Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faah-faahinta Kulannadi Xalay ee Koobka Champions League


Mohamed Salah
Mohamed Salah

Waxaa xalay dhacay kulamo xiisa leh oo ka tirsan Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub.

Kooxda Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay kulan adag oo ay xalay la ciyaartay kooxda Paris St-Germain ee dalka Faransiiska.

Real oo ku ciyaareysay gurigeega ayaa waxay guushu ku raacday 3-1. Kooxda PSG ayaa goolka la hormartay daqiiqadii 33-aad kadib marki uu gool u dhaliyay laacibka khadka dhexe Adrien Rabiot, balse waxaa bareejeeyay xidiga Real Madrid Cristiano Ronaldo oo rigoore loo dhigay gool u beddelay daqiiqadii 45-aad.

Goolka labaadna isla Ronaldo ayaa hogaanka ciyaarta ugu dhiibay kooxdiisa Real, ka hor inta uusan goolka saddexaad kusoo khatimin ciyaaryahanka dadabka bidix ee difaaca ka ciyaara ee Marcelo.

Guushaan ayaa loo arkaa mid badbaadin karta booska macalin Zinedine Zidane oo maalmahan la isla dhaxmaray in maamulka kooxda uu qarka u saaranyahay inuu shaqada ka eryo.

Real Madrid ayaa ka hartay tartanka koobka Spain, halka ay horyaalka La Liga ee Spain kaga jirto kaalinta afraad.

Ciyaar kale oo ka tirsaneyd wareega 16-ka Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub ayaa xalay dhexmartay kooxaha Porto iyo Liverpool.

Liverpool oo marki ugu horreysay ciyaartay xalay kulan ka tirsan wareega 16-ka ee tartankan muddo sagaal sano ah kadib, ayaa kooxda Porto ku garaacday 5-0.

Saddex ka mid ah goolasha waxaa dhaliyay weeraryahanka reer Senegal Sadio Mane. Goolasha kale waxaa kala qeybsaday Mohamed Salah iyo Roberto Fimino.

XS
SM
MD
LG