Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Injinneero Dhisaya Waddooyin oo Muqdisho Tagey


28-kii bishii November ee sanadkii tagay, dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku saabsan hir-gelinta mashaariic horumarineed oo ay Qadar ka fulineyso Soomaaliya.

Mashaariicdan oo ku kacaya 200 oo milyan oo doollar ayaa waxay isugu jireen dhismaha waddooyinka ka baxa Muqdisho ee aada magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, iyo shaqo abuur loo sameynayo dhalin-yarada.

Haddaba, maanta ayaa wafdi ka socda Qadar oo ay ku jiraan injineerro la sheegey inay dhisayaan waddooyinkan waxey tageen halka ay shaqada dhismaha jidadkan ka billaabayaan.

Wariyeheenna Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan innooga soo diray Muqdisho.

Dhageyso wafdiga Qadar ee Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:08 0:00

XS
SM
MD
LG