Qaramada Midoobay ayaa muddo sanad ka badan waxay wadda olole ay ugu diyaar garoobeyso dabaal degga 70 sana guurada ka soo wareegtay hirgelinta baaqii caalamiga ahaa ee xuquuqda caalamiga ah ee golaha guud uu isla qaatay 10-kii bishii Diseembar 1948.
Dadka xuquuqda aadanaha u dooda ayaa u arka in baaqaasi uu weli saameyn ku leeyahay nolosha aadanaha sidii uu ugu lahaa markii la qorayayay 70 sano ka hor.
Xassan Shire Sheekh, madaxa hay’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee bariga Afrika ayaa sheegay in meelo Soomaaliya ay ka mid tahay ay weli ka jiraan dhibaatooyinka xuquuqda aadanaha ah oo dadka lagu caburiyo, loona baahan-yahay in wax laga qabto.
Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan oo khadka taleefanka Kambala kula xiriiray Shire, ayaa ugu horreyn weydiiyay baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo xilliga ay Soomaliya qaadatay.