Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Farmaajo iyo Biixi ayaa Jabuuti ku Kulmi Doona


Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in ay dib ufurmayaan wadahadalladii kala dhaxeeyay dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Shire oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu jiro qoshe shir furitaan u ah ambaqaadka wada hadallada labada dhinac, kaas oo ka dhici doono dalka Jabuuti, ayna isku arki doonaan Muuse Biixi iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Weli dowladda Soomaaliya kama hadal wada hadalladan uu wasiirku ka dhawaajiyay iyo kulan uu horey u sheegey in isaga iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ay Addis Ababa isku arkeen.

Sagal Mustafe Xassan ayaa warbxintan ka soo diray magaalada Hargeysa.

Dhageyso Wasiirka arrimaha Dibadda Somalilnad
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:28 0:00

XS
SM
MD
LG