Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ganacsade Mire oo Beeniyay Eedda Mareykanka


Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay seddex qof iyo seddex shirkadood oo lagu eedeynayo inay taageeraan kooxda isku magacowdey Dowladda Islaamiga ah ee ISIS.

Shirkadahan iyo dadkan oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Filibbiin iyo Turkey, ayaa lagu eedeyay in uu xiriir ganacsi dhex maray kooxda iyo iyaga.

Ganacsatada xayiraaddan lagu soo rogay waxaa ka mid ah, Maxamed Mire Cali Yuusuf, oo war-saxaafadeedka ay dawladda Maraykanku soo saartay lagu sheegay in shirkadihiisa Liibaan Trading iyo Al Mutafaq Company ay taageeraan garabka Daacish ee Soomaaliya.

Ganacsadahan oo haatan ku sugan dalka Imaaradka ayaa VOA u sheegay inaanay eedayntaasi waxba ka jirin islamrkaana macluumaadka la soo gudbiyay ay khaldanyihiin, wuxuuna u warramay Xuseen Barre.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:22 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG