Howl gal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen magaalada Baladweyne maanta ayay ku soo qab qabteen dad lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen dilkii dhowr cisho ka hor magaaladaasi loogu geystay guddoomiyihii hore ee degmada Buula-burde, Cabdi Iidow Sabriye.
Wariyaha VOA, Xuseen Xasan Dhaqane, ayaa howl-galladaasi ka wareystay taliyaha qeybta boliska gobalka Hiiraan, kornel Isaaq Cabdi Cabdulle.