Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Chelsea oo Jug Weyn Kala Kulantay Watford


Bakayoko iyo Conte
Bakayoko iyo Conte

Kooxda Watford oo ka mid ah kooxaha heer dhaxaadka ee horyaalka Ingiriiska ayaa xalay cashar lama illaawaan ah u dhigtay kooxda difaacaneysa horyaalnimada Premier Luegue-ga Ingiriiska ee Chelsea, kadib marki ay ku garaacday 4-1.

Chelsea ayaa ku ciyaareysay 10 laacib kadib marki daqiiqadii 30-aad kaarka cas laga siiyay Tiemoue Bakayoko, taasoo ay ka faa,ideysteen ciyaartooyda Warford.

Goolka waxaa ku hormartay Warford waxaana rigoore ugu dhaliyay Troy Deeney, hase yeeshee Chelsea oo qeybti labaad garoonka keentay weeraryahankooda cusub Olivier Giroud ayaa iska soo magtay goolka, waxaana saxiixay xidigooda Edan Hazard.

Balse wax walba waxay is baddaleen shanti daqiiqo ee ugu danbeysay kadib marki ay ciyaartooyda Watford keeneen saddex gool, kuwaasoo ay kala dhaliyeen Daryl Janmaat, Gerard Deulofeu Iyo Roberto Pereyra.

Chelsea, oo hadda u dhacday kaalinta afraad ayaa guuldarradani culus waxay cadaadiska kusii kordhineysaa macalin Antonio Conte oo uu maalmahan xaalkiisu liitay.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa ku warrantay in maamulka Chelsea uu ka fakarayo sidi uu u baddali lahaa macalinka kooxda.

XS
SM
MD
LG