Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari ku Dhintay Qarax ka Dhacay Duleedka Galgala


Ugu yaraan hal askari ayaa ku geeriyooday saddex kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii gaari nooca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamo ka tiran kuwa Puntland uu ku qarxay miino la dhigay jidka dhexdiisa meel aan ka fogeyn tuuladda Galgala.

Ciidamada qaraxan lala beegsaday ayaa ku sii jeeday dhinaca magaaladda Boosaaso, iyagoo ka soo tagay Galgala sida uu VOA u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan ciidamadaas.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in askartii dhaawacu soo gaaray la dhigay goobaha caafimaadka ee magaaladda Boosaaso, halkaasoo lagu daweynayo.

Ma jirto cid sheegatay qaraxan, haseyeehee deegaanka buuraladeyda Galgala ayaa waxaa sanadihii la soo dhaafay uu dagaal ku dhex marayey ciidamada Puntland iyo ururka al-Shabaab, waxaana jira qaraxyo noocan oo kale ah oo ay horay ugu waxyeeloobeen ciidamo ka tirsan Puntland oo la geliyey dariiqyadda buuraleyda Galgala ee ay isticmaalaan ciidamadda Puntland.

XS
SM
MD
LG