Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona oo gaartay Semi-finalka Koobka Spain


Barcelona
Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa gaartay semi-finalka koobka dalka Spain kadib marki ay 2-0 ku garaacday naadiga Sepanyol lugtii labaad ee wareega sideeda tartankan.

Labada gool ee ay Barcelona ku badisay waxaa saxiixay Suares iyo Messi.

Kulaki xalay, waxaa Barcelona marki ugu horreysay u ciyaaray laacibka ay dhawaan kasoo iibsadeen Liverpool Philippe Coutinho.

Coutinho ayaa garoonka lasoo geliyay ciyaarta oo ay ka harsaneyd 22 daqiiqo.

Kooxaha Sevilla, Valencia iyo kooxda yar ee Leganes ayaa iyaguna usoo gudbay wareega afarta koox. Leganes waxay legaday oo ay tartanka ka reebtay kooxda Real Madrid.

XS
SM
MD
LG