Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiil Soomaali ah oo Kanada Laga Musaafurinayo


Dowladda Kanada ayaa masaafurineysa wiil Soomaali ah oo isaga oo 6 jir 2001-di Kanada tagey. Cabdul Yuusuf Cabdi, waxaa uu la socdey labo habar-yarihiis ah iyo walaashiis Faadumo Yuusuf Cabdi oo 2 sano un ka weyn.

Muddo gaaban ka dibna, Faadumo iyo Cabdul waxaa la wareegay hay’adda Caruurta ee maamul goboleed-yada u qaabilsan ilmaha waalid-kood ay daryeeli waayaan in ay ku caawiso arrimaha daryeelkooda, haddii ay suur-tagali-weydana, kala wareegta.

Hay’addi iyo qoysaskii masuulka ka ahaaba, waxaa ay Cabdi iyo Faadumo udalbi waayeen sharciga wadaniyadda ee Kanada si ay muwaadiniin u noqdaan. Intii uu dhallin yaranimadi ku jireenba, Cabdul waxaa uu galey danbi loo xirey, waxaana uu hadda sugayaa masaafuris, isaga oo xabsigiisi soo dhameystey.

Hasa ahaatee, Faadumo ayaa dadaal ugu jirta in ay arrintaas hor istaagto. Waxaa ay fiidnimadi Taaladada ahayd shir dhexdiis su'aal ku weydiisay, Reysal wasaaraha Kanada, Justin Trudeau. Jaamac Buulle Jaamac ayaa war-bixintan inooga diyaariyey.

Dhageyso Wiil Somali ah oo Kanada laga Musaafurinaayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:17 0:00

XS
SM
MD
LG