Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Real Madrid Oo Guul Kasoo Hoysay Tartanka Spain


Cristiano Ronaldo, à gauche, célèbre avec son co-équipier la victoire 5-0 du Real Madrid contre Séville, au stade Bernabéu, Espagne, 9 décembre 2017. (Twitter/Real Madrid).
Cristiano Ronaldo, à gauche, célèbre avec son co-équipier la victoire 5-0 du Real Madrid contre Séville, au stade Bernabéu, Espagne, 9 décembre 2017. (Twitter/Real Madrid).

Real Madrid rayaa gaartay wareega sideedda ee koobka dalka Spain, kadib marki ay laba is-arak oo ay la dheesgay kooxda heerka labaad ee Numancia, ku garaacday goolal dhan 5-2.

Lugti labaad ee labadan koox oo xalay ka dhacday magaalada Madrid ayaa kusoo dhamaatay barbar-dhac 2-2 ah. Real waxaa goolasha u saxiixay Lucas Vazques, halka Numancia uu goolasha u saxiixay Guillermo.

Ciyaaraha kalana, Kooxda Alaves waxay 2 - 0 ku garaacday Formentera. Villareal-na waxay 2-1 ku khaarijisay Leganes.

Kulamada kale ee tartanka koobka dalka Spain waxay dhici doonaan, galabta iyo caawa.Barcelona oo lugti hore barbarro 1-1 ah la soo gashay Celta Vigo ayaa caawa garoonkeeda ku marti qaadeysa isla kooxdani. Halka Spanyol ay booqan doonto Lavente.

Dhinaca ciyaaraha Ingiriiska, kulan xalay dhexmaray kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa kusoo dhamaaday bareejo 0-0 ah.

Ciyaartan oo aheyd is araga koowaad ee wareega semi-finalka koobka FA Cup-ka England ayay labada koox lugta labaad ee tartankan isku arki doonaan garoonka Emirates Stadium ee kooxda Arsenal 24-ka bishan.

XS
SM
MD
LG