WASHINGTON. D.C —
Kooxda Arsenal ayaa quudareyneysa in ay ku qanciso weeraryahankeeda Alexes Sanches inuu saxiixo heshiis cusub oo uu kooxda kula sii joogayo, xilli uu qarka u saaranyahay inuu ku biiro kooxda Manchester City.
Tababaraha Arsenal, Arsene Wenger ayaa sheegay inuu aad u jeclaan lahaa in laacibkan u dhashay dalka Chile uu lasii joogo kooxda.
Alexis Sanchez ayaa kursiga keydka fadhiyay ciyaarti ay xalay kooxdiisa Arsenal la dheeshay kooxda Chelsea.
Sanchez horay wuxuu ugu soo ciyaaray kooxaha Udinese iyo Barcelona.